Wararka nagasoo gaadhay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in jabhada Amharada ee Ginbod 7 iyo xisbiyaada ay Amharada leyihiin loo yaqaano Ethiopian Democratic Party (EDP) Iyo Unity Party (UP) samaaysteen urur cusub oo la soo bandhigi doono laba bil kadib.

Madaxda sedaxdaan xisbi ayaa sheegay inay umidooboonay samatabixinta shacabka diyaarna uyihiin inay magac magacaantooda badalan hal magacna kumidoobaan.

Dadka falanqaayo siyasaada Itoobiya waxaay leyihiin in Axmaarada ayaa taariikh ahaan ah dad mudo dheer soo xukumi jiray gumaysiga itoobiya  isla markaana ah dad isku dooban oo maamul kooda kadambeeya, waxayna maanta muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin aragtida iyo barnaamijka siyaasiga ah ee Jabhada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.