Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Jigjiga.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska degaanka ayaa lagu arkayaa Waddooyinkaasi, iyaga oo celinaya gadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Xirnaashaha Waddooyinkan ayaa waxaa saameyn ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan guud ahaan magalaada Jigjiga iyo degmooyinka udhow.

Ujeedka saaka loo xiray Waddooyinka ayaa ah kadib markii ay Xaska raysal wasaraha Abiy Ahmed iyo wafti la socdo ay imaadeen magalaada Jigjiga.

Inta badan Ciidamada itoobiya ayaa iyo kuwa degaanka ay xira Waddooyinka magalaada Jigjiga, xilliyada ay jiraan shirarka waa weyn ama imaanayaan madax ka socoto Dowlada Federalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media