Wararka nagaa soo garaay gobolka Fafaan ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay Xalay qof shacab ku dileen degmada Bambaas ee gobalkaasi.

Ilo degaaanka ah ayaa sheegay inuu Marxuumka kasoo baxay caasimada Jigjiga asaga oo u socda magalaada Harar. Kadib markii ay marayeen degmada Bambaas ayey ciidamada Itoobiya rasaas ku fureen gaariga. Rasaasta waxaa ku dhintay hal Qof oo shacab. Waxaana magaciisa naloogu sheegay Khalid Jamal.

 

Ciidanka Itoobiya ayaa waxay laban laabeen tacadiyadii ay ku hayeen shacabka Somalida, waxaana marba marka ka danbaysa kasii daraysa xasuuqa ay ciidanka Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee aan is difaaci kariin.

 

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.