Siidi ay sheegan Qar kamid dadweynaha kudhaqaan magalaada Beled Xawo ee Koonfurta Soomaaliya, waxa la burbuuriyay qaybo kamid ah darbiga ay dowlada Kenya ka dhistay xaduud beenadka kala Qaybiyo Jamhuuriyaada Soomaaliya iyo gobolka NFD.

Dadka degan Beled Xawo ayaa lasheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona Ciidamada Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga.

Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka  ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya NFD iyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya NFD iyo Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.