Kumanaan Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo ururada argagixisada waxa ayna canbaareynayeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit ee degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Dibadbaxyadan oo ay soo abaabuleen bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan Kenya iyo qaar kamid ah ganacsatada Islii ayaa jimcihii ka dhacay meel kala duwan oo kamid ah magaalada Nairobi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa iska fogeeyay ururka argagaxisada ah ee Al-shabaab kuwaa oo ay ku tilmaameen in ay magac diin ku laayaan dad aan waxba galabsan.

Bartamihii bisha dabley hubeysan oo ilaa 5 qof gaaraya ayaa soo weeraray hotel Dusit iyagoo halkaasina ku dilay 21 qof.

Dowladda Kenya ayaa ayaa ogaatay in Cali Saalim Gichunge uu yahay maskaxdii la danbeysay weerarkii lagu qaaday Dusit Hotel.

Sida ay sheegeen Cali ayaa loo maleynayo in uu ku jiro ragii weerarka soo qaaday ee la dilay ayaa kamid ah 11 qof oo looga shakisan yahay in ay weerarkan ka danbeeyeen.

“Waxa uu ku jiraa inkastoo la moodayay inuu weerarka ku dhintay maadaama uu gaarigiisii yaallay goobta qaraxa lala eegtay” ayuu yiri danbi baaraha.

Giching oo sidoo kale loo yiqaano Faaruuq oo ka soo jeeda Isyeelo ayaa guri ka ijaartay Ruaka halkaasi oo ay saacado kadib ku soo weerareen ciidamada Booliska.

Isaga iyo xaaskiisa Violet Kemunto ayaa xiran balse waxa uu sitaa kaar aqoonsi oo uu magac kale ku qoran yahay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.