Cabdi maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed  ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Ogadenia gar ahaan degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar.

Sida la sheegay wariyaha ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa uu joogay Magaalada Jigjiga ee xaruunta gobolka Fafaan, waxaa  uuna soo tabinaayay warar ku saabsan tacadiyadii iyo xasuuqda loo geystay shacabka Soomaalida Ogadenia.

Waxaana la sheegay in wariye Coldoon iyo labo wariye oo kale laga qabtay degmada Gaashaamo, waxaana xiray maleeyshiyaadka Liyuu Booliska, iyagoona ku wareejiyay  Ciidanka Gumaysiga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.