Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo howlgal cusub ku qaada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Gumaysiga Itoobiya oo lagu xaqiijiyay weerar Jimcihii Ciidanka Itoobiya ee ku jira Amisom ay kala kulmeen Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan jirin sheegashada Al-shabaab ee ah dilka 57 Askari oo Itoobiyaan ah.

Warbixinta ka soo baxday Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankooda oo maraya inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Baydhaba ay jidka u galeen Al-Shabaab islamarkaana ay iska difaaceen.

Waxa ay Dowladda Itoobiya sheegtay in dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ay qaadayaan Ciidamadeeda ku jira Amisom ee jooga Soomaaliya.

Dhinaca kale war ka soo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in weerarkii Jimcihii ka dhacay Gobolka Baay ay ku dhaawacmeen saddex ka mid ah Ciidamka Amisom ee ka socda Itoobiya.

Waxaa kale oo Amisom ay sheegtay in Al-Shabaab ay ka dileen afar qof tiro kalena ay ka dhaawaceen, iyaga oo ku faanay in weerarkaasi la iska caabiyay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.