Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Halgan Media u sheegay inay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaar sanayeen labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka huwanta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.