Wararka nagasoo gadhaay dhulka Somali Galbeed gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Oromadaiyo ciidamada gaarka ah ay leyihiin Ismaamulka Oromada ayaa xalay weerar ku qadeen tuulada Dharcaseeye oo katirsan degmada Tuliguuleed.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Oromada kuso duleen tuulada Dharcaseeye kadina gudaha u galeen, islamarkii rasaas ku fureen ciid walba, waxaana weerarka ku dhintaay hal qof oo shacab ah.

Waxaana magaciis naloo sheegay Ibrahim Maxamed oo kamid dadka degaanka. Weerarka ka dhib waxaa la sheegay inay Oromada ka baxeen Tuulada, iyaga oo usocday dhanka xaduudka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.