Maxamed Cabdi Afey wakiilka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe u qaabilsan Geeska Afrika oo ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Odoyaasha Magaalada iyo mas’uuliyiin katirsan mamuulka Jigjiga.

Waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii ka bakaracay Colaadda dhexmartay Soomaalida iyo Oromada iyo gurmad u raadinta dadka ku dhibaateysan iska jigjiga.

Danjire Afey ayaa Magaalada Addis shalay kasoo raacay xubno kamid ah Jabhadda ONLF, ka sokoow in uu kamid ahaa wufuudda hadane wararka gudaha Ogadenia laga helayo waxa ay sheegayaan in uu xog dhageysi ku sameynayo dadkii ka barakacay Dhulka Soomaalida.

Qorshaha ayaa ah in uu tago deegaanada ay ku dagaalameen Oromada iyo Soomaalida, si uu qiimeyn guud ugu sameeyo, kadibne uu ula wadaago Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe UNHCR si ay u diiwaan geliso.

Isku dhacyadii ka dhacay Ogadenia iyo Ismamuulka Oromada waxaa ka dhashay Khasaare isugu jiro Dhimasho, Dhaawac iyo Barakac.

UNHCR oo aan wali tagin Dhulkaas waxa uu fursat ahaan Danjire Afeey u helay shalay in uu tago Magaalada Jigjiga, si warbixin deegaanka ah uu ugu diyaaro.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.