Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu manta ka dhacay qeybo ka mid ah magalaada Wardheer ee xaruunta gobolka Doolo.

Boqolaal dadweyne ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaaladaasi, kuwaas oo eedeymo u jeedinayay mamuulka magalaada.

Qar kamid dadka ka qeyb galay Dibadbaxaasi oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in bulsha weynta kudhaqaan magalaada Wardheer diidan yihiin qaabka loo dhisay mamuulka magalaada Wardheer.

Banaanbaxyo ballaaran ayaa indhawaanahan ka socday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Doolo ee bariga Ogadenia.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.