Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay gobolka NFD.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidankan, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma oo hoostaga magaalada Garissa ee gobolka NFD.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan Miino ay ku gubeen gaari. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Xarakada Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan dhulka Somalida ay Kenya Gumaysato loo yaqaano NFD.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.