Dad Oromo oo Caawa Boosaaso Lagu Dilay

Kooxaha hubeysnaa ayaa rasaas ku furay dadkaasi oo ku sugnaa  Xaafada Saantoos ee Magalada Boosaaso,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Boosaaso.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo qowmiyadda Oromada ayaa geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmayeen.

goobta weerarkaan lagu qaaday Qowmiyadda Oromada uu ka dhacay ee Magalada Boosaaso ayaa u dhow dekada magalaada boosaaso, waxana la sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay rasaas isweeydaarsadeen.

Wararka ugu dambeeya ee haatan naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan  howlgallo baaritaano ah,iyada oo dadkii weerarkaas ka dambeeyey ay baxsadeen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.

About The Author