Waxaa magaalada Hawassa garaay wafuud kala gedisan oo ka qeyb gelaysa shirweynaha 11aad ee ururka EPRDF oo maanta ka furmi doonta magaalada Hawassa.

Shirweynahan ayaa lagu falanqeyn doonaa isbadalada ka socda Itoobiya iyadoo qiimeyn kadib lagu dooran doono gudoomiyaha ururka iyo kuxigeenkiisa.

Fekadu Tessema,oo ah qaban qaabiyaha shirweynaha ayaa saxaafada usheegay in ergo dhan 2000 kasoo qeyb geli doonto shirka kuwaas oo isugu jira xubnaha isbahaysiga ururka EPRDF iyo ururada bahwadaaga la ah iyo weliba marti sharaf kale. Lama oga in shirweynahan lagu badali doono magaca ururka iyo inkale.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.