Wasaarada Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa muda labo bilood ah uqabatay 90 diblomaasi oo muda badan Itoobiya ufadhiyay safaaradaha caalamka. Diblomaasiyiintan loo yeedhay ayaa safiiro ama qunsuul ahaa mudo 4-25 sano ah.

Raysulwasaare Abiye ayaa ku guda jira xidid siibida masuuliyiintii TPLF ee xilalka sare ka hayay Itoobiya 25kii sano ee udambeeyay. Ciidanka ayuu ku bilaabay hadana waxay maraysaa diblomaasiyiinta.

Raysulwasaaraha ayaa lagu eedeeyay in marka uu badalo masuul sare oo Tigree ah uu booskiisii ku badalo mid Oromo ah ama kuxigeen uu uga dhigo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.