Wararka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xogga dalka ay ku gadoodeen degmada Xudur ee Xaruunta gobolka Bakool.

Xubno amniga magaladaasi katirsan oo Halgan Media wareysatay ayaa u xaqijiyay in Ciidamada gadoodka sameeyay uu hoggaminayay Taliye Ibrahim Yare oo ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada dowlada ee ku sugan degaanka Xudur.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in ay ka Cabanayaan daryeel xumo iyo daruufo adag oo heysta, kana mid ah raashin iyo hub la’aan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay gebi ahaan kasoo jeedan hal beel oo degto xafaada loo yaqaano Tooraboora oo ku taallo duleedka degmada Xudur.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaana weli wax war ah kaso saarin Gadoodka ay ciidamada ka sameeyen degmada Xudur. Hase yeeshe mahan markii ugu horeeysay ay qaar kamid ah ciidamada dowlada gadood ka sameeyen gobolka Bakool.

Halgan Media.