Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu faraha kabaxay dagaalkii udhaxeeyay qoomiyadaha Gumez iyo Axmaraada ee todobaadkan kasocday xuduuda Ismaamulka Benshangul-Gumez Iyo Xabashida.

Dagaaladan oo bilowday laba bari kahor ayaa lasheegayaa in uu hada gaadhay meel aan waxba laga qaban karin waxaana lasheegayaa in dagaalka labada qoomiyadood uu kufiday deegaano hor leh oo ku teedsan xuduuda labada degan.

Dagaaladan ayaa lasheegayaa in ay sababeen bara kac aad u badan, kuwaas oo gaadhay deegaanada ay ood wadaagta yihiin oo ay isleeyihiin waxaad kahelaysaan nabad iyo nolol.

Goob jooge kusugan xuduuda labada qoomiyadood ayaa sheegaya in lagubay qaybo kamid ah Dagmada Qarja, halka Tuulada Alifarade gabi ahaanteedba dab laqabadsiiyay, sidoo kale goob joogaha ayaa sheegaya in ay jiraan deegaano kale oo xuduuda udhaw oo lagubay.

Waxaa adag in la ogaado Khasaaraha dhabta ah ee dagaaladan ay gaysteen, maadaama oo dagaaladu ay kasocdaan dhulka miyiga ah ee fo, hase yeeshee waxaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay lagu dilay 20 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah sida ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Majiro wax dhex dhexaadin ah oo taliska Abiy Ahmed uu kadhex wado labada qoomiyadood ee dagaalamaysa.

Xukuumada gumaysiga ayaa dhaqan ahaan faa’iido u aragta dagaalada noocan oo kale ah, waxayna xukuumadu aaminsan tahay in shacabka oo isku mashquula ay yaraynayso culayska siyaasadeed ee xukuumada kasaaran dhinaca shucuubta kala duwan.

Halgan Media.