Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ay Xildhibaanada maanta horgeeyeen Heeshiisyada dowlada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Dowladaha Itoobiya iyo Eritea.

Kalfahdiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya weli ma furmin, iyadoona la filayo in daqiiqado kadib uu ka furmo xarunta Golaha Shacabka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sii qulqulaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Golaha shacabka ayaa maanta waxaa uu yahay mid aad xasaasi u ah, iyadoona maanta lagu wado in dood kulul ay yeeshaan.

Lama oga Go’aanka ka soo ka soo bixi doono Xildhibaanada maanta ka horyimid Heshiisyada dowlada dhexe ay la gashay Itoobiya iyo Eritrea.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.