Hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan iyo isbahaysiga mucaaradka ayaa dhisay gole madaxbannaan oo hoggaamiya dalka muddo saddex sano ah oo soo socota, si xukunka loogu celiyo xukuumad rayid ah.

Golahan la dhisay ayaa ka kooban lix ruux oo shacab ah iyo shan sarkaal oo milatariga ka tirsan, waxaana marka hore hoggaanka u qaban doono Sarreeye Guud Cabdulfatax Cabdulraxman Burhan.

Golahan ayaa la dhaarin doonaa subaxa hore maanta oo Arbaca ah.

Heshiiskaas  dhismaha golahan ayaa waxaa ka mi ah in uu wareegto noqdo hogaanka golahaas muddada saddexda sano ah ee uu shaqayn doono.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.