Getachew Reda, Afhayeenka kooxda TPLF kana mid ahaa hogaankii sarre ee dowladdii Melez Zenawi, ayaa si adag uga hor yimid dhex dhexaadinta xiligan uu Abiy Axmed ka wado Soomaaliya.

Getachew oo u waramayey idaacada VOA laanteeda Axmaraada ayaa sheegay in xiligan looga muhiimsan yahay in Abiy Axmed uu ku mashquulo wada hadaladaasi, maadama uu qalalaase siyaasadeed ka taagan yahay gudaha Itoobiya.

Reda ayaa aaminsan in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu deg degayo, isla markaana uu dalalka geeska iyo Itoobiyaba u horseedayo nabad-galyo daro halis galisaneysa amniga dalalkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Itoobiya waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u deg-degaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo wadamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waana taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobbiya Keria Ibrahim” ayuu yiri Getachew Reda.

Wuxuuna intaas kusii daray “Abiy Axmed inta aanu dhex-galin mamuulka Somaliland iyo Dowlada Soomaaliya waa inuu usoo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya, iyada oo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobollada gudaha Itoobiya, taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay.”

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.