Wararka naga soo gaaray magalaada Addis Ababa ayaa sheegaya in booliska federalka ay Qoryo farabadan gacanta ku dhigeen kadibna markii ay howl gallo ka fuliyeen xaafado katirsan magalaadaasi.

Xili ay booliska federalka howlgallo ka wadeen xaafada Ketema oo hoos timaado magaalada Addis Ababa ayaa hubka laga helay guri ku yaallo xaafadaasi sida ay sheegtay idaacadda Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) oo ku hadasha afka dowlada Federalka Itoobiya.

Markii ay booliska guriga baarayeen waxaa laga helay 8 Qori nuuca loo yaqaano AK-47, sidoo kale waxaa guriga lagu dhex qabtay laba ruux laakin lama shaacin maadaama uu weli baadhitaanku socdo sida ay wararka u dhigeen idaacada Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC).

Doraad bay aheed markii Ismaamulka Gambella hub sidaan oo kale la qabtay, waxaana mudooyin kii u dambeysay gudaha Itoobiya aad ugu soo batay hubka sharci darrada ah maadaama dalku uu galay marxalad cusub.

Hoos ka daawo Sawiirada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.