Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya Diyaarado ay leeyihiin Dowlada Mareykanka oo loo yaqaano “Drone” ayaa xalay duqeyn waxash nimo ah ka geystay deegaan katirsan gobolka Jubada Hoose.

Sida aan xogta ku helnay Diyaaradaha Mareykanka ayaa xalay dhowr gantaalo kusoo riday degmada Kabsuuma ee gobolka Jubada Hoose, waxaana duqeynta ku dhintay hal qof oo shacab ah.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaay oday dhaqameed kasoo jeedo beesha Jareerweyne, waxaana magaciisa naloogu sheegay Cabbaas Maxamed Xaaji.

Duqeymaha waxash nimada ah oo ay Mareykanku ka geysteen degaanka Kabsuuma waa markii labaad oo asbucaan gudihiisa ay Mareykanku dad shacab ah ku dileen gobolada Jubbaoyinka, waayo isniintii nasoo dhaaftay ayey aheed markii ay sedax qof ku dileen duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.