Faallo: Corona Virus (Covid-19) waa mu’aamarad la soo maleegay.

Daraasad cilmi-baadhiseed oon anigu si shaqsi ah u sameeyay waxaa iisoobaxday in Viruskan Carona yahay mu’aamarad la soo maleegay, taasoy qolyaha doonaya inay siyaasadda caalamka gacanta kusiihayaan ugu tala galeen inay kudilaan in badan oo dadwaynaha dunida kamid ah, kuna dhisaan hanaan caalami ah oo cusub oo ay ku adoonsanayaan qaybta kale ee dadka ee ka soo hadha wax yeelada carona.

Iyadoo ay wali khuburada caafimaad ee caalamiga ah kuwa sida gaarka ah ugu takhasusay cudurada faafa iyo culuunta Biologyga iyo inbadan oo ka tirsan aqoonyahanku ay wali ku kala qaybsanyihiin asal ahaan sida uu ku samaysmay viruska Carona ayaa waxaa sookordhaya arragtiyaha ay bulshada caalamka qaarkeed ka qabaan in viruska Carona uu yahay masiibo aadamuhu gacmihiisa ku samaystay.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Dr.Tedros agaasimaha guud ee Ha’ayda caafimaadka aduunka (WHO) inoosheegay in shirkado badan oo dhanka warshadaynta caafimaadku ay tartan ugu jiraan sidii loosoosaari lahaa daawo lagu wajaho fiditaanka viruska Carona, sidookalana uu isla warbixintaas ku xusay in talaalka viruskani uu qaadan doono samayntiisu mudo sanad ilaa sanad iyo badh ah, taasoo ka dhigan in Dr.Tedros calaamadeeyay xili go,an oo talaalkaasi soobixi doono.

Isagoo Dr.Tedros inagula taliyay inaynu ka guuro isticmaalka lacagta Noodhka ah ee aynu adeegsano, una gudubno lacagta Electronic ah ee numberada la isugu diro, taasoo sabab u ah in lacagta Noodhka ahi ay halis utahay inay Viruska u kala gudbiso dadwaynaha.

Mu’aamaradan cusub ee Viruska Carona ayaa ah mid ka duwan mu’aamaradihii horay loosoomaleegijiray, iyadoo la doonayo in kalabadh lagu dilo dadwaynaha dunida, dhanka kalana la doonayo in talaalka la sheegayo ee ay ku maqanyihiin shirkadaha sameeya daawooyinka uu sababi doono geerida kalabadh basharka aadamaha, mu,aamaradan Carona Virus waa midii kowad ee ay naftooda u hureen dadka ku lug leh maleegisteedi, iyagoo ay haleeshay dhibaatadii Viruska ee ay markii horaba iyagu kutalagal u sameeyeen, sida Madaxda Dawladdaha iyo Boqorada uu kudhacay Viruska Carona ama eheladooda ku dhacay iyagoo taas u samaynaya in shakiga laga qabo isaga leexiyaan, madaxdaas oo bilowgii Viruskan iska dhagatiray warbixinihii sirdoon iyo talooyin caafimaad ee wax yeeladiisa lagaga hadlayay, qaar kamid ah madaxdaasina ay markii la sheegayba inuu Viruskaasi ka dilaacay meel kamid ah caalamka oy kala direeen, baa bi,iyeena waaxyihii Dawladahooda uqaabilsanaa ka hortaga cudurada faafa.

Waxay sidookale mu’aamarada Carona Viruskani noqon doontaa tii ugu horaysay ee maalin walba la siisheego in maalmaha soosocda ka sii xumaan doonaan, iyadoo hadana dadaaladii lagaga hortagayay intooda badnayd la samaynayo, hadana ay waxyeeladu sii shan iyo toban jeer laamayso maalinba ta xigta, iyagoo madaxda dalalka waawayn qaarkood ay bilowgii Viruskaba shacabkooda usiisheegeen inay Viruska kuwaayidoonaan eheladooda.

Carona Virus waa M’aamaradii kowad ee xidha goobihii Cibaadada, xarumihii Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, waxbarashada iyo Tacliinta, burburisana xuluufooyinkii dublamaasiyadeed iyo kuwii Military, waana mu’aamaradii ugu horaysay ee ay qaybta ugu wayn yeelato Ha’ada Qaramada Midobey, iyagoo ugu talagalay in Viruskani noqdo mid furaya Albaab guri kasta oo caalamka ku yaala ama madaxi ha daganaadeen ama minjo ha dagaanadeene ama milyan dheer ha ka sootooso ama sabool ha ku sugnaadee uu yahay qorshe loogu talagalay in baqdin war-war iyo walaac lagu abuuro si ay dhinacyadaas doonaya hogaaminta aduunka ee horkacaya nidaamka cusub ee caalamiga ahi ay ugu fududaato inay ugaadhsadaan aadamaha dhamaantii, oo iyagoo ku baa ba’ay waxyeelada Viruska ay talaalkiisii usoosaaran, talaalkaas oo laga yaabo inuu ka joojiyo faafitaanka Carona laakiin xanbaarsan maadooyin kale oo aamusnaan kudilidoona aadamaha badhkii, noqonna kara talaal qasab loogu mudayo dadka oo ay gacantooda ku fulinayso Ha’ada WHO oo ay ilaalinayaan ciidamada amaanka ee Dawladdaha jira, ciidamadaas oo haatanba lagu soodaadiyay wadooyinka, laguna amray inay dadka ku qasbaan inay guryahooda fadhiyaan, hadhowna ku qasbi doona dadka in lagu talaalo oo lagu mudo talaal, kaas oy wax yeeladiisu qofka ku soobaxayso sadex sano ilaa afar sano kabacdi, dadkuna udhimanayaan cuduro aan cidina fikrado ka haysanin oo aan wax lagula tacaalaana loosii diyaarinin amaba inuu talaalkaasi toogandoono taranka haweenka oo Hoyooyinka ka dhigi doono kuwo aan dhasha qabsan amaba uu noqon doono cudur asiiba maqaarka qofka bini,aadamka ah dabeetana uu qofkiiba umadii soodhexgali kari waayo oo shaqana faraha ka qaado, dabeetana ay sidaas dunida kaga baxaan isaga iyo qoyskii uu masuulka ka ahaa, cuduradaa oo lagu diyaarinayo xarumaha baadhista Tecnologyyadeed ee dhanka hubka Biologyga ee ku kala yaala dalal ay kamid yihiin, Israil, Canada, America, Egland, Austrelia iyo kuwo kale.

Qolyahan samaynaya barnaamijka mu’aamaradan waxay rabaan in aduunka loo sameeyo lacagta Electronickada ah ee beconku midaas oo lagu tala jiro inuu caalamku wada isticmaalo marka la gaadho sanadka 2030 taas oo kadhigan in hantidii lacageed ee dunida taalay cid gaar ahi xukunto oo ay dhici karto in lagu saaro ganaaxyo lacageed oo Acounkaga laga saarayo iyadoo aan lagaa talo galinin, ganaaxyadaas oo laga mid-dhigayo inaad ama si khaldan u isticmaashay lacagtaada amaba inaad warbaahinta ku qortay warbxin aan la jaan qaadaynin nidaamka caalamiga ah ee cusub, shaykastana ay rabaan inuu gacantooda kujiro taas oo kadhigi doonta dadka aduunka inyar mooyee in inta kale la adoonsado laakiin qaabka dadka qaarkii loo adoonsanayo ayaa ah qaab dadban oo aan toos ahayn.

Qorsheyaasha la maleegayo ee ku aadan sanadka 2030 ayaa ah inay caalamka ka shaqayso Lacag kali ah, amaanka caalamkana uu qaabilsanaado Ciidan kali ah oy Qaramada Modobey leedahay, go,aamadii gaba-gabada ahaa ee fulinta mu,aamaradaana waxaa lagu qaatay Albaabo xidhan dabadood, waana xilliga ay dhinacyadaas mu,aamaradahan wada ay qorshaysteen inay dunida ugu taliyaan 1 Bank, 1 Lacag oo Electronic ah iyo 1 Militery oo ka li ah, dadka badankiisana laga dhigto adoon ishoodu ku tiirsantahay Tellephone Casri ah iyo Computer aanu u madax banaanaan karin isticmaalkooda taas oo kadhigan in uu jiro program lagala soconayo hawada Satalaytka laakiin dadku ku mashquuli doonaan oo kali ah qalabkan iyo aaladda Internetka.

Lasocda qormada qaybaheeda kale

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com