Wararka naga soo gaaraya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay caawa maleeyshiyaadka Oromada  weerar is daba joog ah ka fuliyeen degaanka Tuliguuleed.

Ilo degaanka ah ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Oromada weerar kusoo qaaden tuulada Godane oo katirsan degmada Tuliguuleed ee gobalkaasi Fafaan, kadibna ku dileen dad shacab ah gudaha tuulada Godane, waxaana magaciisa naloogu sheegay inuu yahay Muhidiin Cabdi Mire.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay Oromada dhaceen xoolo aad u badan kadibna u gudbeen dhanka xadka Ismaamulka Oromada.

Mamuulka Mustafa Cagjar weli kama hadlin weerarada soo noq noqoonayo oo lagu beegsanaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Tuliguuleed, waxaana muuqata inuu iska indha tirayo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.