Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadeen degmada Yucub ee gobolkaasi.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa kala dhexgalay Labo beelo oo maanta iska hor fadiyay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Yucub.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.