Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al-shabaabnimo.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hay’adaha amniga oo kaashanaya shacabka ay gacanta ku soo dhigeen shabaab xogtiisa la hayay oo ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne.

Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay ka dib markii shacabka ay hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda.

Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax u dhimi kara oo ay ka shakiyaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.