Wararka nagasoo gadhaay dhulka Somalida ay Kenya gumaysato ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan lagula eegtay duleedka magalaada Mandera ee gobolka NFD.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in Ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen duleedka Mandera isla Gobalkaasii.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah Gawaarida dagaalka Ciidanka Kenya. Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana la sheegay in kolonyada lala beegsaday ay ka soo babaxeen degmada Qobo ee isla gobolka NFD.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.