Wararka naga soo gaaraya gobolka Doolo ayaa sheegaya in maanta albaabada loo xidhay iskullada ku yaallo degmada Bookh kadib markii ay macalimiintii diideen inay imaadaan shaqada.

Goobjoogoyaal ayaa sheegay in goobaha wax barashada saakay la xiray, kadib markii ay macalimiintii diiden inay imaadaan shaqadooda kadib markii Musharkii laga joojiyay, waxaana amarkaas bixiyay Gudoomiyaha gobolka Doolo Cabdinasir Cabdulle sida aan xogta ku helnay

Arintan waxay keentay in macalimiintii diidaan inay iskuullada adaan. Gobolka Doolo ayaa dhibaato badan ka jirtaa, waxayna shacabka aad uga cabanayaan Gudoomiyaha Gobolka Doolo Cabdinasir Cabdulle.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.