Faafaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhulka Somalida ay Kenya Gumaysato loo yaqaano NFD, dab xalay qabsaday suuqa weyn ee xerada Dhagaxley kaasi oo la sheegay inuu geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ku fidaay suuqa weyn ee xerada Dhagahley. Gawaarida dab damiska ee leyihiin dowlada Kenya oo ka shaqeeya gobolka NFD ayaa suurta gelisay in baqtiijiyo dabka.

Dabka oo xoog ku socda ayaa qabsaday dukaaman iyo dabakaayo ay leyihiin dad kudhaqaan xerada Dhagahley oo wax u jirto degmada Dadaab ee gobolka NFD.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.