Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerareen fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ee ku sugan tuuladan hoos tagta gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Shabelle in ay maqleen daryenka rasaas culus.

Warar lagu baahiyey baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in ay khasaaro u geysteen ciidanka Itoobiya balse lagu fahfaahin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.