Xarakada Al Shabaab, ayaa markii u horraysay si rasmiya uga hadlay, Xilka qaadistii Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ku sameeyeen Xassan Cali Khayre iyo xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta caasimada Muqdisho.

Af-hayeenka Xarakada Al Shabaab Cali Dheere oo xalay jeediyay hadal ku aaddan Munaasabadda Ciidda, ayaa sheegay in Ridistii Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Soomaaliya.

Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen.

Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisul wasaare Khayre.

Dhinaca kale, Cali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse aysan jirin xubno ka tirsan Xarakada oo ku dhintay.

Halgan Media.