Madaxweynaha Ismaamulka Axmaraada Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in ciidamada Amaanka ay 50 qof xidheen degaanada kala duwaan katirsan ismamuulka Axmaraada kadib markii lagu eedeyay inay katirsan yihiin kooxo hubeysan oo dhac iyo dil u geysto dadka rayidka ku dhaqaan Ismaamulka Axmaraada siidi ay sheegan idacaada FANA oo ku hadasho afka Dowlada Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha Ismaamulka Axmaraada ayaa kusi darray in 80 qof loo xidhay Masajiidyada lagu guubay, iyo goobaha ganacsiga ee Muslimiinta ku leyihiin degmada Mota ee bariga gobolka Gojam.

Ismaamulka Axmaraada waa meelaha kamid itoobiya oo amniigis aad u litto oo mar walba degnaasho laan iyo amni darro ka tagaan.

Go’aanka cusub kasoo baxaay madexweynaha Ismaamulka Axmaraada ku aadaan in 50 qof loo xidhay amni darrada ka jirta gobolka, iyo 80 kale lagu eedeyo inay lug ku lahayeen Masajiidka la gubay, kadibna xabsi loo taxaabay wuxuu ku cadaayna inay Mamuulka Xabashida cadaadis xoogan lagu haayo madaam u amniga gobolka Faraha kasi baxaayo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.