Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay Duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay inuu ku beegsaday xubno ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 74-KM Waqooyi Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay weerarkan dhacay 2-tii bishan in uu ku dilay Afar nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

Waa duqyantii 15-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.