Xasuuq isir sifeyn ah ayaa ka socda gudaha dalka Myanmar,si meesha looga saaro muslimiinta Rohingya ,dowladda dalkaasina waxay muujineysaa in aysan wax dan ah ka laheyn aasaaska nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya,sidaasi waxa yiri bare ka socda Qaramada Midoobay.

Marzuki Darusman,oo ah Guddoomiyaha Guddi xaqiiqo raadin ah ee loo xilsaaray dhibaatooyinkii ka dhacay Myanmar ,ayaa sheegay in dad gaaraya 250,000 – 400,000 Rohingya ah oo ku haray dalkaasi lagu hayo xanibaado iyo cadaadis aad u daran.

Waxaa soo kordhaya cadaadis caalami ah oo Mayanmar lagu saarayo sidii ay wax uga qaban laheyd ciidamada Mileteriga oo xasuuq u geystay sanadkii tagey  muslimiinta ku nool galbeedka gobolka Rakhine .

Xukuumadda Myanmar ayaa diiday ama hor istaagtay warbixin ka kooban 440-bog oo ay diyaariyeen Un-ka ,waxaana ku jira in saraakiil ama hoggaamiyaal ciidan loo heysto kaalintii ay ku lahaayeen dambiyada dagaal iyo xasuuqa biniaadanimo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.