Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Fafaan ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga itoobiya iyo maleeyshiyo Oromo ah oo iswato ayaa rasaas kufureen wiil Somali oo joogay meel kudhow xerada Qaloji.

Warar lagu kalson yahay ayaa sheegaya in wiilka Somalida dhawaac xun gadhay kadib markii ay ciidamada federalka xabad ku dhufteen. Wiilka magaciis waxa la yidha Ismacil Xassan Cabdi.

Xasuuqa iyo gaboodfalka lagu hayo dadka shacabka ah ayaa ah mid ay isku dayayso xukumada Addis Ababa in ay kaga weeciso rabitaanka dadweynaha Ogadenia ee doonaya in ugu noolaado dalkiisa si xor ah una madax banaanaado aayahiisa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.