Kooxaha gurmadka deg dega ah ee dalka Yemen ayaa Arbacadii la soo dhaafay xeebaha dalkaasi ka soo badbaadiyay Muhaajiriin lagu daadiyay xeebaha Yemen.

Muhaajiriintan oo laga qaaday qeybo ka mid ah Somalia ayaa doontii siday waxa ay si qasab ah ugu daadisay xeebaha bari ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Hay’adda socdaalka u qaabilsan QM ee IOM ayaa sheegay in dadkani ay isugu jireen 22 Rag ah iyo 11 Dumar a, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda dalalka Somalia iyo Itoobiya.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaasi ku daray innaaquudiyeyaasha Doonta ay rasaas ku fureen dadkaasi, islamarkaana ay si qasab ah uga tuureen Doonidaasi, taas oo taagneyd meel dhowr KM u jitra xeebta.

Muhaajiriinta dalalka Somalia iyo Itoobiya ayaa inta badan u socdaala dalka Yemen, si ay uga sii gudbaan dalalka Khaliijka Carabta.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.