UN Human Rights Commission oo ah Qayb kamid ah Qaramida Midoobe (QM) oo u dooda Xaquuqda aadanaha ayaa si kulul uga hadlay xaalada cakiran ee ka jirto Ismaamulka Oromada kadib markii isgaarsiinta laga jaray galbeedka Oromiya.

UN human rights agency ayaa sheegtay inay aad uga xun yihiin in isgaarsiinta laga jaro deegaanadaas, waxayna si kulul u cambaareeyeen xukuumada Abiy Ahmed ay ku tilmaameen qof iska indha tiraayo dulmiga lagu haayo shacabka ku dhaqan galbeedka Oromiya

Sidoo kale hayada UN human rights agency waxay sheegtay maadaama uu cudurka Coronavirus kusii faafayo dunida in loo baahan yahay in dadka loo sii daayo khadka iyo isgaarsiinta si ay u ogaadaan wixii ka socdo caalamka iyo halista ku wajahan

Taliska Abiy Ahmed ayaa sanadkaan biloowgiisii isgaarsiinta ka jaray Galbeedka Oromiya, kadib markii ay xukuumadiisu dagaal ku qaadeen Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) oo ka howlgallo galbeedka Oromiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.