Ugu yaraan 70 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyoodeen dooni siday Tahriibayaal oo ku gadoontay xeebta wadankaasi Tuuniisiya ee waqooyiga Qaarada Afrika.

Wakaalada wararka Tunis ee Tunis Afrique Presse agency ayaa sheegtay in Kalluumaysato u dhashay degaanku ay soo badbaadiyeen 16 qof oo ka mid ah dadkii doonto la qalibantay.

Mashaqadan ayaa ka dhacday Meel 40km u jirta caasimadda wadankaasi ee Tunis.

Dhinaca kale, Hay’ada qaramada Midoobay u qaabilsan muhaajiritiinta ayaa tirada dadka dhintay ku sheegtay inay gaarayaan 50 qof, iyo 16 qof oo la soo badbaadiyay

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar dheeraad ah oo la xiriira wadamada ay u kala dhashaan dadka ku geeriyooday Doonida gadoontay, halka ay ku wajahnaayeen iyo waxyaabaha kalifay in doonidu ay qaraqanto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.