Hawlgal ay ciidamada Faransiisku ka sameeyeen dalkaasi Burkina Faso ayay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ahaa dalxiisayaal, kuwaasoo u kala dhashay wadanka Faraniiska, Maraykanka iyo koonfurta Kuuriya.

Hawlgalkaasi waxaa ku dhintay labo askari oo faransiis, sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Faransiiska ee Paris

Ciidamadu waxay kaloo helaan maydka ninkii hagaha u ahaa labada dalxiise ee Faransiika, kaasi oo laga helay degaanka duurjoogta ee Pendjari National Park. Ninka dhintay waxaa uu u dhashay wadanka Benin

Dalxiisayaashan la soo badbaadiyay ayaa waxaa afduubay kooxo mayal adag oo ka hawgala wadamada la isku yiraahdo Saaxil ee Galbeedka iyo bartamaha qaarada Afrika.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.