Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in ururka hubeysan oo ka howlgallo Ismaamulka Amxaarada ayaa diiday inay hubkooda dhigaan, kadib codsi ka imaaday Maamulka Amxaarada sida uu sheegay wargeyska Ezega oo kusoo baxo luqada Xabashida.

Waxayna ururka FANO ku eedeyeen Dowlada Federalka Itoobiya Iyo Ismaamulka Amxaarada inay isku dayeen sidii ay burburin lahaayeen ururka hubeysan ee FANO, sidoo kale ururka FANO ayaa sheegay inay weligood joogsan doonin ilaa ay qoomiyadda Amxaarada xaqooda helaan.

Dhinaca kale, Solomon Atanaw oo ah guddoomiyaha ururka FANO ayaa la hadlay warbaahinta wuxuna sheegay in dhul badan ka maqan yahay Ismaamulka Amxaarada, wuxuuna kusii daray in Welkar, Raya, Dera, iyo Metekel in dib loogu soo celiyo qowmiyadda Amxaarada.

Lakiin ogow degaanada dhan oo ay sheega yaan inuu ka maqan yahay waa kuwo gabi ahaanba ku hoos jiro Ismaamulka Tigreega, taas oo dhalin karta inuu xaalada faraha ka bixi doonto hadii arintan xal loo helin.

Waxaana cadaatay inay qowmiyada Amxaarada abaabul xoogan wadaan maadaama xili doorasho uu soo dhow yahay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.