War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Al Shabaab, kaasi oo lagu dilay laba ruux katirsan Xarakada Al Shabaab.

Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay degmada Buula Fuulay oo katirsan gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Mareykanka sheegey in lagu dilay labo kamid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab

Mareykanka ma uusan sheegin shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo dadka la dilay, waxaana lagu soo koobay warkooda in laba kamid Al Shabaab lagu dilay duqeyntaasi ay ka fuliyeen gobolka Bay.

Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarada ay ka fuliyan Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya, lagu bartolmaameedsanayo dagaalyahannada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.