Wararka nagasoo gaadhaya magalaada Goday ee xaruunta gobolka Shabeele ayaa sheegaya in shacab ka magalaada Goday ay badhtamaha magalaada kasudheen calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia oo mabnuuc ka ahaa gudaha wadanka Ogadenia.

Shacabka ayaa noqday shacabkii ugu horeeyay oo calanka Ogadenia kasudhan gudaha ciida Ogadenia. Waxaan Halgan Media lahadlay muwaadin kusugan magalaada Goday oo uu xaqiijiyay in magalaada laga sudhay calanka Ogadenia.

Dhanka kale waxa la sheegay in ciidamada gumeysiga itoobiya kabaxeen magalaada Goday iyo kulabteen saldhigooda. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.