Waxaa caawa magalaada Muqdisho ka dhacay qaraxyo kala duwan, oo lagu weeraray saldhigyada booliska iyo fariisimo ciidan.

Jugta qaraxyada waxaa laga maqlay meelo fog oo magaaladda katirsan, waxaana la sheegay inay ahaayeen weerar qorsheysan oo isku mar la fuliyay kaasoo lagu qal-qal gelinaya nabadgelyada Caasimadda.

7 meel ee Qaraxyada Caawa ka dhaceen ayaa kala ah Shibis, waabari, dharkiynley, Garasbaaley, Yaaqshiid, Kaaraan iyo wadajir.

Sarkaal Booliska katirsan iyo Goobjooge, ayaa Halgan Media u sheegay inay jiraan dhaawacyo dad shacab ah kasoo gaarey qaraxyada loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo la dhigay Isbitaallada.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo dhanka dowladda aysan ka hadlin falkan oo noqonaya midkii labaada oo tan iyo xalay Muqdisho ka dhacaya.

Waxaa xalay ka dhacay Muqdisho qarax lala eegtay Gaari nooca raaxadda oo marayay jidka mashquulka badan ee 21 October, waxaana ka dhashay khasaaro.

Halgan Media.