Wararka nagasoo gaadhaya magalaada Wardheer ee xaruunta gobolka Doolo ayaa sheegaya in xalay hawlgal ay wadaan maleeyshiyaadka Liyuu Bolis iyo ciidamada gumeysiga itoobiya ay ka fuliyeen xaafada katirsan magalaada Wardheer ayay guryaha kalasoo bexeen dad badan oo shacab ah.

Waxaan helnay qar kamida guryahooda lagala baxay. Waxaana kamid Saadiq Ahmed iyo Maxamed Yassin dadka xalay guryaha lagala soobaxay ee magalaada Wardheer. Ciidamada bahal ka ah ee gumeysiga itoobiya iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa waxaa caado uu ah dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo dadka shacabka ee aan waxba galabsanin.

Ciidamada gumeysiga itoobiya iyo maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa waxay marwalba dhibaatadii kuhayaan dadka rayad ka. Waxaayna ka gaysteen gudaha Ogadenia tacadiyo kala duwan sida dil, kufsi iyo boob bahsan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.