Wararka naga soo garaaya Waqooyiga Soomaaliya gar ahaan gobolka Bari ayaa sheegaya Rag hubeysan bartamaha Magaalada Boosaaso ay ku dileen sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Cansuuraha Bariga ee mamuulka la magac bahay Puntland.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge ayaa lagu diley goob maqaaxi ah oo ku taalla Magaalada Boosaaso, isla markaana dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga xun Waqooyiga Soomaaliya, waxaana 17-kii bishaan Boosaaso lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda u qabilsan mamuulka Puntland oo lagu Magacaabi jirey Saleebaan Axmed Shire.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.