Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) oo ah garabka ka Go’ay Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) oo uu hogaaminayo Dawuud Ibsa ayaa weli duurka ku jirto, waxayna dagaal kafool kafool kula jiraan Dowladda Itoobiya.

Sidaa darteed dad badan waxay is weydiinayaan muxuu yahay sababta Dowladda Federalka Itoobiya iyo warbaahinta ay leyihiin ka qabsadeen inay ka hadlaan dagaalka u dheexeyo Jabhadda OLA iyo Militariga Itoobiya ? Sababtu way caddahay !!!

Taariikhda Itoobiya marka la fiiriyo waa mid ku salaysan isir naceeb iyo Qoomiyad walba oo xukunka qabsado inuu Gumaysto qoowmiyadaha kale ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya.

Itoobiya waxay maanta ku jirtaa Marxaladda weligeed la kulmin, maadaama uu dalku ku jiro wadada Burburka oo ay soo mareen dalalka kale sida Soomaaliya, Suuriya, iyo Kongo. Waxa kaliye ee badbaadinaayo Itoobiya waa dalalka reer galbeedka oo Itoobiya isku haayo si ay u ilaaliyaan danahooda kusaabsan geeska Afrika.

Hadda aan ku noqono sababta dowladda Itoobiya ay qarinayso dagaalka kasocdo gobolka Wollega oo katirsan Ismaamulka Oromada. Waxay xaqiiqdu tahay inuu waxba gacanta ugu jiriin xukuumada Abiy Axmed maadaama Militariga Itoobiya ku fashilmeen inay Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) duurka kasoo hareeyaan, iskaba dhaafe in ay dagaalka ku guleeystane.

Laba isbuuc ka hor warbaahinta waxaa kasoo baxay idaacadda BBC ee laanta Oromada, taas oo sheegaysa in guud ahaan khadka iyo isgaarsiinta laga jaray gobolka Wollega maadaama uu gobolka Wollega ka jirto Xaalad aan La iska halayn karin.

Doorashada ku sheegga oo la sheegay inuu ka dhici doono Itoobiya waxaa ka dhiman 7 bil, iyo hada oo dagaalada kasocdo gobolka Wollega ama guud ahaan dalka Itoobiya, waa hubaal inuu dalka Doorasho ka dhici doonin, taas oo sababi karto burbur iyo dagaal sookeeye oo weligiis aduunka ka dhiciin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.