Koorimada isgaarsiinta soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ay sadax jibaar ka sareyso mida dalka Itoobiya.

Shirkada Ethio Telecom oo ah shirkada kaliya ee ka shaqeysa itoobiya oo doowladu ay maamusho ayaa waxaa adeegeeda taleefanada gacanta isticmaala in kabadan 30 milyan oo qof .

Inkastoo shirkada suuqa u xiran yahay hadana waxaa aad u liita adeega xaga internetka iyo waliba takeefanada meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Meelaha qaar itoobiya qofkii heysta taleefan internet leh waxa uu ka mid yahay dadka nolosha wanaagsan heysta.

Soomaaliya oo dadkeeda iminka lagu qiyaaso 14 Milyan waxaa ka jira suuq XOR ah oo dhanka isgaarsiinta ah.

Shirkadaha taleefanada soomaaliya ayaa bixiya adeeg casri ah oo la mid ah midka dunida horu martay.

Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu weyn dalka islmarkaana hogaamisa adeega isgaarsiinta soomaaliya waxaa sanadkii 2016 la sheegay in ay u shaqeeyaan in ka badan Shan Kun oo shaqaalo joogto ah iyo shaqaale maalinle ah oo dheeri ah.

Dadka saamiga ku leh Hormuud waxaa lagu sheegaa ilaa sagaal kun oo qof.

Quburo badan oo dhanka isgaarsiinta ayaa aamisan hadii soomaaliya ay hesho xasilooni hesho in ay la tartami doonto horumarka ishaarsiinta South Africa iyo Nigeria oo iminka hogaamiya adeega internetka ee Afrika.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.