Waxaan la iska indha tiri karin in maamulka madaxwayne Hassan Sheikh uusan tilaabo u qaadin cadaalad u raadinta Ikran Tahliil, waana sababta dad badan ay la yaaban yihiin in marka madaxdan ay banaanka joogeen ay si xoog leh ugu doodayeen cadaalad u helida gabadha maqan iyo reerkeeda balse hada oo ay talada gacanta ku hayaan aysan waxba uga qabanaynin kiiskaas.

Waa su’aal aad u wayn oo uu qof walba is waydiinayo gaar ahaan qoyska marxuumada ka dhalatay iyo guud ahaan beesha Geeljecel.

Sawir: Ikran Tahlil Faarax

Maxaase qarsoon oo aan la wada ogayn?

Sida ila xog ogaal ah ay sheegayaan, waxaa la xaqiijiyay in kiiskan uusan horay u socon doonin dhowr caqabadood owgood.

Agaasimaha NISA ee hada talada haya markii uu xilka qabtay waxaa durbadiiba hanjabaad Social Media ha usoo mariyay agaasimihii ka horeeyay iyadoo agaasimaha cusub lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.

Hanjabaad uu soo dhex mariyay Fahad Yasin warbaahinta Gaylaan Media waxay hordhac u ahayd bur burinta gal dacwadeed iyo baaris laga furi rabay sida loo dilay Ikran Tahliil iyo eedaysanayaasha afarta qof ee ku eedaysan.

Muuqaalka Fahad Yasin ee Gaylaan Media waxaa bar bar socday cadaymo Mahad Salaad si gooni ah loogu diray iyadoo loogu hanjabay hadii uu dhaqaajiyo gal dacwadeedkan in la faafin doono cadaymahan. Wixii markaas ka dambeeyay waxaa hakad galay cadaalad u raadinti Ikran Tahliil, waxaa intaas kasii daran in Fahad Yasiin uu si qarsoon u maamulayo Mahad Salaad.

Madaxwaynaha oo arintaan aanan waxba ka ogayn ayaa lagu maaweeliyaa warbixino iyo been abuur iyadoo loogu sheekeeyo in baarista meel fiican ay marayso kol dhowna soo gaba gaboobi doonto.

Waxaa macquul ah in maalmahan uu dhaqaaq gal furis ku eg uu ku dhaqaaqo Mahad Salaad si uu Social Media u galiyo in wax la qabanayo kiiskan iyo cabashada Maamo Guhaad, balse waxaa la hubaa in Mahad uusan ku dhiiran doonin inuu la xisaabtamo ama cadaalad horgeeyo Fahad Yasiin inta uu isagaba dhibane Fahad yahay ee faraha cad cad laga hayo.

Waxaa soo socoto qaybtii labaad ee qowda maqashii waxna ha u qaban.

Halgan Media