Wada hadalo u socda Mahad Salaad iyo Al Shabaab, kulamo isbuucii lasoo dhaafay ku dhexmaray taliyaha NISA iyo wadfi ka socda Al Shabaab oo uu hogaminayo Mahad Karateey iyo Maxamed Ala Maxamed Sultan ay na garwadeen ka ahayd dowladda Qatar ayaa wuxuu ka dhacay Beerta Xawo Casir ee u dhow tuulada Basra.

Shirka oo socday 3 Maalin Oo xiriir ah waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladda Qatar, waxaana lagu heshiiyay in la sii wado wadahadalka, dowladdana ay ogolaato in wakiilo Al Shabaab ah ay xafiis ku yeeshaan dalka Qatar.

Hadaba si arinkaas loogala sii hadlo dowlada Qatar waxaa maanta 09/10/2022 u safray wafdi isku dhaf ah oo ka kooban taliyaha NISA iyo xubno sare oo Al Shabaab ah waxaa muddo 4 maalin ah usocon doona wadahal iyo tababaro la xariira habka wadahadalka si bilaha soo socda looga mira dhaliyo wajiga kowaad ee wada hadalka.

Lama oga sida Madaxwayne MD Xassan Sh Maxamud uu ugu ganacsanyahay wada hadal ka socda.

Halgan Media