Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u Magacowday Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimada gumaysiga itoobiya.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa loo Magacaabay Eng. C/xakiin C/llaahi Camey oo horay u ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu warqaddiisa aqoonsiga u gudbiyo Taliska Abiy Ahmed.

Camey ayaa aad u taageersanaa dowladda dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay in loo magacaabo Safiirka u Qabilsan Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.